Laba Mooryaan midkee?

Somalida dhibaatada heeyso waxaa u badan 2 Mooryaan, Mooryaan Magaalo iyo Mooryaan Miyi.

Haddii Xaaladdu kululaato, Labadaba kuleeylka ayaa koobka ka soo saaro.( F.S:1aad)

1. Mooryaan Magaalo waa Masuul Qabiil oo Qaran ku tiirsan. Mooryaan Miyi waa Masuul Qabiil oo Qori ku tiirsan.

2. Mooryaan Miyi inta badan Mukhaadaraadka uu isticmaalo, Maalintii ayuu Dadka hortiisa ku isticmaalaa. Mooryaan Magaalo Habeenkii ayuu meel qarsoon ku isticmaalo.

3. Mooryaan Magaalo Shaqadiisa Mooryaannimada waa u dhaartay. Mooryaan Miyi shaqadiisa uma dhaaran.

4. Mooryaan Miyi waxa uu leeyahay koox ey isku baheeysateen Qoray wadaag. Mooryaan Magaalo waxa uu leeyahay koox ey isku baheeysteen, Qayaano wadaag.

5. Mooryaan Miyi Dadkuu dhacaa. Mooryaan Magaalo Dadka iyo Dalka ayuu dhacaa.

6. Mooryaan Miyi waxaa Taageera xubno tolkiisaa oo uu yaqaan, Mooryaan Magaalo waxa uu leeyahay taageerayaal Tolkiisaa oo uuna aqoon u leheeyn.

7. Mooryaan Magaalo Ajaanibta ayuu u dabacsan yahay, Caruurtiisuna meel ka fog goobktiisa Shaqo ayeey ku nool yihiin. Mooryaan Miyi Ajaanibta uma dabacsano, Caruurtiisuna Goobtiisa shaqo kama fogo.

8.Mooryaan Magaalo Hanti badan oo Cidda ka dhaxlee uuna aqoon ayuu raadiyaa. Mooryaan Miyi hanti Maalintaa ku filan ayuu raadiyaa.

9.Mooryaan Miyi Ciidanka isaga difaaco, ayuu isna difaacaa. Mooryaan Magaalo Ciidanka isaga difaaco, ma difaacyo.

10. Mooryaan Miyi Haddii la wacdiyo in uu wax maqlo u dhaw, Maartana iyo Madfacana kama cabsado. Mooryaan Magaalo wacdi ma maqlo, Maartana iyo Madfacana ma jeclo.

11. Mooryaan Miyi Cilmiga ma dhageeysto, mana ku dhaqmo. Mooryaan Magaalo Cilmiga waa dhageeystaa. Laakiin kuma dhaqmo.

12. Mooryaan Miyi ma jeclo in Caruurtiisu ey ka dhaxasho Mooryaan nimada iyo Xarunta uu ku shaqeeysto. Mooryaan Magaalo waxa uu jecelyahay in Caruurtiisu ey ka dhaxasho Mooryaannimada iyo Xafiiska xukunka.

Labada Mooryaan midkee Munaafaq ah ?.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)