Kulan Looga Hadlayay Gurmadka Degdega Ah Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Kulankan oo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sida la’isaga kaashan karo u gurmashada dadka ay waxyeelada ka soo gaarto dhibaatooyinka ka dhasha Korontada iyo weerarada qaraxyada ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaana kulankan ka qeyb galay mas’uuliyiinta shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Gurmadka deg dega ah, kuwaas oo laga dhageystay dhibaatooyinka soo gaara, xilliyada ay sameynayaan gurmadka degdega ah.

Afhayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada kulankaasi.

Waxaan uu sheegay in maamulka gobolku uu wado qorshe wax looga qabanayo dhibaatooyinkaasi.

Let’s block ads! (Why?)