kulan loo qabtay jaaliyadaha dalka Holland si loo qiimeeyo

Waxaa shalay lugu qabatay dalka Holland. Kulan Udiyargorowga qiimenta jaaliyadaha ku nool magalada Zwoola iyo nawaxigeyda.

Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Zwolle iyo Nawaaxigeeda cabdulqadir cali nuune ayaa waxaan ka qeybgalnay shir looga hadlayey wada shaqeynta hayadaha dowliga ah iyo bulshooyinka kala duwan ee ku nool gobolkan.

Waxaana shirka lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan horumarka ay gaareen bulshada Soomalida ee ku nool Zwolle iyo Nawaaxigeda, haday noqon lahayd xagga Shaqada iyo waxbarashada oo aan ka galnay kaalinta kowaad.

Waxaa sare u kacay tirada dadka Soomalida ee shaqeysa iyo ardayda Soomaalida oo u sii gudbay waxbarashada Sare. Waxaana amaantaas leh dhamaan Gudiga Jaaliyada iyo howlwadeenada, waalidiinta iyo dhalinyarada u taagan in ay kor u qaadaan magaca umada Soomaaliyeed guud ahaan Gaar ahaan kuwa ku nool wadankan Netherland.

Sida ay shegeen xubno kamid ah gudiga jaliyada Hadaan nahay Gudiga Maamulka Jaaliyada Zwolle iyo Nawaaxigeeda waxaan abaalmarin gudoon siin doonaa dhamaan dadkii ka qeyb qatay horumarkaas aan gaarnay oo ah guul lagu faano. Waxaana shirkaas ku soo bandhignay mashruucyada aan fulinayno sanadkan 2019/2020.

Waxana bishan oktober dhexdeed abaal marino lagu gudoonsiinaayaa Dhamaan dhalintii markasi fir firconida mujisay.

Badhiir Jiidaal warbahinta xorta ah Soomaaliweyn. Holland

Let’s block ads! (Why?)