Kooxo Bistoolado ku hubaysan oo ku dilay Degmada Wadajir Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda .

Kooxo hubeysan ayaa Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Askari ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilkan ayaa waxaa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir,isla markaana waxaa Askariga falkaas u geystay rag dhalinyaro ahaa oo watay Bastoolado,isagoona u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa durbo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo halkaas ka qaaday Meydka Askariga la toogtay.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in halkaas ay ka baxsadeen kooxihii fuliyay dilka Askariga ka tirsanaa Ciidanka dowladda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan ragga ku hubeysan Bastooladaha.

Let’s block ads! (Why?)