Kooxo Bastoolado wata oo dilay Guddoomiye xero Barakacayaal ah oo ku taala Deegaanka Tabeelaha Sh.Ibraahim

Wararka kaimaanaya Deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Dayniile ayaa sheegaya in kooxo Bastoolado ku hubaysan ay halkaasi ku dileen nin Guddoomiye ka ahaa Xero ay degen yihiin Dad Barakacayaal ah oo ku taalla Deegaankaasi.

496515016

Dilka Gudoomiyaha ayaa dhacay Salaadii Maqribka kadib, iyadoo ninka la dilay magaciisa lagu sheegay in lagu magacaabi jiray Cabdi Nuunow,waxaana la sheegay inay dileen Dabley Bastoolado wadatay,kuwaas oo Kaxeystay Gaari Spacio ah oo uu watay Marxuunka la dilay.

Dhanka kale Dhowr jeer ayaa dilal nuucaan oo kale ah waxay ka dhaceen Tabeelaha Sheekh Ibraahim,waxaana geysanayay Dableey Bastoolado wadatay.

Let’s block ads! (Why?)