Kooxda Arsenal oo iska Xaadirisay finalka UEFA Europa League , kadib markii Valencia Garoonkeeda Ku Gumaaday.

Arsenal ayaa u soo baxday finalka UEFA Europa League kadib markii ay guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Valencia. Unai Emery oo taariikh layaableh ku leh Europa League ayaa markale u muuqda mid Gunners ka caawin kara in ay ku guulaystaan Europa League.

Arsenal ayaa Valencia ku soo garaacday 4-2 iyada oo finalka ugu soo baxday wadarta labada kulan oo dhan 7-3 taas oo muujinaysa sida ay Gunners uga awood badnayd kooxda dhibta badan ee Valencia.

Arsenal oo ay rajadeeda u soo bixitaanka UEFA Champions League ku xidhan tahay guusha ay ka gaadho finalka Europa League ayaa hadda haysata fursad fiican oo ay koobkan ugu guulaysan karto isla markaana ay Champions League ugu soo bixi karto.

Aubameyang ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Lacazette uu isna hal gool dhaliyay waxayna sidaa Gunners ku soo laabtay shaqadii cajiibka ahayd ee ay u soo gashay finalka Europa League.

Ciyaarta ayaa noqotay 4-2 ay Gunners ku xasuuqayso kooxdii goolka kaga hor martay ee Valencia waxayna sidaa Arsenal ku xaqiijisatay booskeeda finalka Europa League iyada oo wadarta labada kulan ku awooday in ay 7-3 ku gumaaday Valencia.

Let’s block ads! (Why?)