Kolonyo Galbineysay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo la Weeraray.

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kolonyo Galbineysay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan lagu Cali Jeyte Cismaan lagu weeraray Inta udhaxeysa Maxaas iyo Matabaan.

Inta la xaqiijiey 6 qof oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, kadib iska hor imaad Muddo socday uu dhex maray Ciidamo Galbinaye Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Al-Shabaab.

Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka ayaa socdaalkoodii sii watay sida ay Mustaqbal u sheegeen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Al-Shabaab ayaa Degmooyinka Gobolka Hiiraan Qaarkood Go’doomiyey, waxa ayna Weeraro ku qaadaan Ciidamada AMISOM, Kuwa Dowladda iyo Gaadiidka isticmaala wadooyinka Degmooyinka ay Go’doomiyeen, waxaana ka dhasha Khasaare labada dhinac kala gaara.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Wafdigiisa ayaa guda galay Safarro uu ku tagayo Degmooyinka Gobolka si uu usoo qiimeeyo Xaaladaha iyo Isbadalada ka jira degmooyinka uu tagayo.

Al-Shabaab ayaa sheegay in Weerarka ay ku qaadeen Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan uu ka badbaaday isla markaana iska hor imaad uu dhex maray Ciidamada La socday iyo Al-Shabaab, Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ahne ay Gaarsiiyeen sida ay Hadalka u dhigeen.

Maxamed Nuur Dabaashe oo ah Af-hayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo Mustaqbal la hadlay ayaa sheegay in dhanka Maamulka Gobolka Hiiraan labo askari oo Dhimasho ah iyo labo kale oo Dhaawac uu iska hor imaadkaas kasoo gaaray.

Gaariga la wareegay ayuu sheegay in uu ahaa Nuuca Toyoto Cabdi Bile, Ciidamada ayuu tibaaxay in ay iska caabiyeen Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in Safarka Gudoomiyaha Gobolka uusan u baaqan iska hor imaadka sida uu hadalka u dhigay.

Let’s block ads! (Why?)