Khayre oo la kulmay wafdi ka socday Bankiga aduunka September 7, 2017

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomalaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Bankiga aduunka gaar ahaan Bella Bird oo u qaabilsan Geeska Africa.

Khayre iyo Bella Bird ayaa ka wada hadlay abuurista fursado shaqo iyo in dhalinyaradda Soomaaliyeed loo sameeyo barnaamijyo lagu kordhinayo khibradooda iyo in la baro xirfado ay ku shaqeystaan.

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxa ay si gaar ah uga wada hadleen xiriirka dawladda Soomaaliya iyo Hay’adda Bankiga Aduunka, habkii loo sii balaarin lahaa, si loo gaaro hormaro kale oo balaaran.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya C/laahi Sheekh Cali (Qaloocow) oo kulanka qeyb ka ahaa ayaa warbaahinta u faah faahiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Bella Bird.

Wasiir (Qaloocow) ayaa sheegay Bella Bird in ay aad uga hadashay sidii loo soo wadi lahaa in Bankiga aduunka uu ka qeyb qaato gar gaarka shacabka Soomaaliyeed, shaqaaleysiinta Dhalinyarada iyo isbedelka Wasaaradda Maaliyadda.

Let’s block ads! (Why?)