KGS oo ka hadashay dhaq dhaqaaqa Roobow

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha dhaq dhaqaaqa ah ee Wadaadka Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu ka wado degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed C/risaaq Cabdi Aadan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay ka warhayaan dhaq dhaqaaqa Sheekh Muqtaar, waxayna tilmaameen in uu isku diyaarinayo dagaalka ka dhan ah Shabaab.

Wuxuu sheegay Roobow in ay masuuliyad ka saaran tahay sidii uu Shabaab ula dagaalami lahaa, maadaama uu ka soo jeedo degaanada Koonfur Galbeed, yaqaanana tabta loola dagaalamo Shabaab.

Dhanka kale C/risaaq Cabdi Aadan ayaa sheegay in ay wadaan qorshe mideysan oo dagaal ka dhan ah Shabaab, wuxuuna tilmaamay in hada ay dejiyeen istiraajiyadda dagaalka iyo qaabka loo wajihi lahaa.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayuu sheegay in ay ka sugayaan go’aanka ugu dambeeya ee Dagaalka loogu qaadayo Shabaab.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa tiro Saddex jeer ah waxa uu tagay magaalada Baydhao ee xarunta KMG ah Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil Ciidan.

Let’s block ads! (Why?)