Kanada Oo Magangelyo Siisay Guddoomiyihii Hore Ee Gobolka Galgaduud

Nuur Axmed Xasan oo ahaa Guddoomiyihii Gobalka Galgaduud ee Bartamaha Somalia waxa uu aad ugu mahad celiyey Dowladda Kanada, kadib, markii loo sheegay in la oggolaaday Codsigiisa Magangelyo-doonka ahaa.

Iyadoo laga turjumayo hadalka Sarkaal lagu magacaabo Nick Bower oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Qaxootiga ee dalkaasi oo ku sugan magaalladda Fankuufer ee Galbeedka dalkaasi ayuu u sheegay Nuur Axmed Xasan in isaga loo ballan qaaday Magangelyo Qaxootinimo.


Nuur Axmed Xasan oo xilka Guddoomiyaha Gobalka Galgaduud loo magacaabay bishii September ee sannadkii 2017-kii ayaa waxa uu sannadkii hore fursad u helay inuu ka qeyb galo Tababar lagu qabanayey magaalladda Las Vegas ee dalka Maraykanka, wuxuuna markii uu dalkaasi uga sii gudbay dalka Kanada, oo uu Qaxooti ahaan isaga dhiibay.

Dhinaca kale, Nuur Axmed Xasan oo 47-jir ah waxa uu sheegay inuu qorsheynayo inuu barto Luqadda Englishka, kadibna uu codsado Deganaanshaha Joogtadda ee Kanada iyo inuu codsaday inay la midoobaan Xaaskiisa iyo carruurtiisa oo ku sugan gudaha Somalia.


Waxa uu tilmaamay inuu Qoyskiisa la wadaagay Qaxootinimadda uu helay, isla markaana ay iyagana ku farxeen, taasi oo ah rajo ay iga wada sugayeen.

Let’s block ads! (Why?)