Jabuuti oo Ciidamo dheeraad ah u soo diraysa Soomaaliya

Dalka Jabuuti ee ciidamadoodu ay qeybta ka yihiin ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay in ciidan dheeri ah ay u soo dirayaan Soomaaliya.


Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jabuuti Sakariye Shiikh Ibraahim ayaa shaaca ka qaaday inay wadaan qorshihii ugu dambeeyay ee lagu diyaarinayo ciidamo dhawaan uu dalkaasi ka codsaday inay Soomaaliya u soo diraan madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay Jabuuti soo direyso u dhawaan tababar u soo idlaaday looguna talagalay inay si gaara uga howlgalaan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Galmudug gaar ahaan xarunta KMG ah ee uu hada ku shaqeeyo maamulka Galmudug ee Cadaado.
Ciidankaan ayaa la filayaa in ay dhawaan soo dirto dowlada jabuuti waxeyna qeyb ka noqon doonaan tirada ciidanka Hiil-walaal ee hada ka howlgala bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Let’s block ads! (Why?)