Itoobiya oo Amni Xumo soo Food Saartay

Waxa weli sii xoogeysanaya Dibad baxyada Qabaliga ah ee ka socda Dalka Ethopia kuwaas oo ku faafay Deegaano badan oo ka tirsan Dalkaasi.

Qowmiyadaha Oromo iyo Amxaarada, ayaa waxay qaar ka mid ah magaalooyinka dalkaasi ka wadaan bannaanbaxyo, ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda iyagoona weeraro toos ah kaga hortegaya Dowlada.

Xaaladda ayaa ah mid Cakiran, waxana marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya banaan baxyada, waxana jira deegaano laga qabsaday Xukuumada.