Iska Horimaad Sababay Dhaawac iyo Dhimasho oo Ka Dhacay Laascaanood

LONDON(GUBTA.COM) Hal qof ayaa ku dhintay,laba kalena waa ka dhaawacmay ka dib markii iska horimaad ka dhacay madaarka magaalada Laascaanood.
Iska horimaadkan ayaa la sheegay inuu dhex maray Shirkadaha Jaadka keena gobolkaasi iyo booliska,ka dib markii lagu wargaliyay shirkadaha jaadka in la kordhiyay cashuurtii jaadka taasina ay ka hor yimaadeen masuuliyiintii shirkadaha jaadku ,taasina ay keentay in laysku dhaco.

Wasiirka maaliyada ayaa la sheegay inuu si gaara cashuurta jaadka laga qaadi jiray gobolkaa Sool uu kordhiyay kaasina ay ka cadhaysiisay shirkadaha ganacsiga Jaadka.

talaabadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti maalintii shalay uu ka soo laabtay madaxweyne Siilaanyo magaalada laascaanood islamrkaana shirkadaha ganacsiga Jaadku ayu gudbiyeen cabashada cashuurta lagu kordhiyay,sidoo kale, maalinta berito ayaa la filayaa inay si rasmi ah uga bilaanto diwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinku.