Isbaarooyin hor leh oo la soo dhigay deegaanada Galmudug

Kooxo Meeleeshiyaad ah ayaa Isbaarooyin hor leh soo dhigtay inta u dhaxeysa magaalada Cadaado iyo Galinsoor Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Arrintan ayaana saameyn xoog leh ku yeelatay dadka shacabka ah ee u kala safra deegaanadaasi.

Darawalada isticmaala Waddooyinka la soo dhoobay Isbaarooyinkaasi, ayaa sheegay in ay dhibaato weyn ku qabaan Jidgooyooyinkan.

Waxaana ay ugu baaqeen Madaxda Maamulka Galmudug in ay wax ka qabtaan arrimahaasi.

Let’s block ads! (Why?)