In maanta ex madaxweyne Shariif sidaas loo galo wax la qaadan karo miyaa…

Maalin hore waxaan daawannay Abdirisaq Terra oo leh Xeebtii liido xageed ku ogeeyd !

Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ayuu dhacay iyo warqado been ah oo abaabulan uu horay noola wadaagay wariyahaa .

Maanta waxaa isna yimid codadad intii lajar jaray si abaabulan dhinac kale leeysugu laheeysiiyay oo muuq baahiye lagu daabacay laguna waxyeeleynaayo sharafka ex madaxweyne Shariif.

Dalkaan wuu kasoo daalay dagaal sokeeye,wax natiija ahna lagama keenin oo ciddii wali u aragta in laga guul gaaraayo waa wax loo wada fadhiyo.

Waxaan rabaa in aan u xaqiijiyo qolayaha muuq baahiyaha u arka in qolo looga sara mari karo,waxaa maalin cad dalkaan hogaan millatari oo heeysta diyaarado dagaal shacab laga xanaajiyay kama tuureen xukunkii dalka, ee sidaa halugu baraarug sanaado.

Shalay waxaan sidoo kale u adkeeystay wixii aan lahaa in laygu yiraahdo waa lagula leeyahay oo tastuurka ayay ku qorantahay,wixii kalana waxba kuma lihid oo qaanuunkeey ku caddahay.

Nin ku jira xusuus aan waxba kasoo kordheeyn uu yiraahdo dadkaagaa xun ka’aqbali maayo ee dalkaan aan u wada turno kana tanaasulno fitnada abaabulan ee muuqata.

Hassan Abdulkhader Mudey

Shiikh Shariif Waxaa uu kamid ahaa Madaxweynayaashii Dalkeena Soomarey ..

Waqti adag kasoo samata bixiyey inaan dhaqankeena Siyaasadeed ka badalno suu yahay ayaa haboon maxaa yeeley in Madaxdii Shaley la aflgaadeeyo waxeey horseedeysaa in Aqlaaqiyaadkeena Bulsho uu dhumo..

Shiikh Shariif Xurmaad nagu leedahay balse Xisbigaaga kamid maahi taageerana uma ihi Waxaase ii aheyd Madaxweynaheeygii Shalay… W/Q: Ali Yasin

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)