HAL-DOOR LOO DOORTAY HAY’AD DHIMATAY!!!

Amaan, hambalyo iyo duco ayaa la isugu darey Guddoomiyaha cusub ee maanta loo doortay Dalladda ururuda bulshada rayidka ee Soscensa, sacab iyo farxad ayaa lagu soo dhaweeyay, dhambaalada lagu taageerayo masuulkaasi ayaa qabsaday baraha bulshada {Social-Media-ha}, nasiib waxa uu u yeeshay inuu noqdo Guddoomiyihii Afaraad ee ay yeelato Soscensa.

Daaacadnimo, aqoon, xilkasnimo, waayo aragnimo, dadaal, aragti dheer iyo hufnaan ayaa lagu yaqaanaa masuulka noqday Guddoomiyaha Soscensa, Md, Cusmaan Muxyadiin Tahliil waa mutacalim tagaeerayaal badan ku dhex leh bulshadiisa, sharaf, xaq dhawr iyo tixgalin gaar ah ayaa meel walba looga hayaa, caan wuxuu ku yahay degganaan iyo qunyar socodnimo, 20-kii sanno ee ugu dambaysay wuxuu ku mashquulsanaa dhinacyada nabadeynta, dib u heshiisiinta, horumarinta dhallinyarada iyo u gar-gaarida shacbiga Soomaaliyeed.

Si kalgacal leh ayaa loo soo dhaweeyay doorashadiisa, Waa cusub ayaa u
baryay guud ahaan hawl-wadeenka ku mataanaysan Dalladdaasi iyo inta ay u
adeegto, Xaqiiqdii Guddoomiye Cusmaan Tahliil waa maamul yaqaan
Lagu kalsoon yahay inuu wax badan ku soo kordhin doono Hay’addaasi.

Ma sahlana hawsha hor-taalo, shaqo adag aya sugaysa, dib u dhacyada la
soo darsay Soscensa ayaa laga dhawrayaa inuu wax ka qabto, Isbadal iyo
horumar inuu la yimaado ayaa laga filayaa, geed dheer iyo geed
gaaban inuu u koro ayaa looga baahan yahay sidii uu u soo celin
lahayeen magacii, sharaftii iyo awoodii waxqabad oo ay lahaan jirtay
Dalladdaasi.

Hoos u dhac lixaad leh ayaa la soo gudboonaaday
Soscensa sannadihii la soo dhaafay, masuuliyiin iyo shaqaale fara badan
oo saldhig u ahaa Hay’addaasi ayaa lugta furay, codkii ay laheyd
ayaa la waayay, qabashada shirarkii lagu yaqiinay ayaa lumay,
mashaariicdii ay qaban jirtay ayaa go’ay, Wargayskii ku hadli jiray
afkeeda ayaa istaagay.

Dalladdo ku magaacaban Maamul Goboleedyada
dalka ayaa galay booskii ay Soscensa ka hawl gali jiratay ee Bartamha
iyo Koonfurta Soomaaliya , magacii Dalladda ayaa shaki galay, xaalad u
ek ha-Dhiman hana- Noolaan ayay Soscensa ku sugneyd muddooyinkii la soo
dhaafay!

Runtii Ha-doorka loo doortay Hay’addaasi waxaa looga fadhiyaa inuu soo nooleeyo Dalladaasi, shaki kuma jiryo in cusmaan tahliil uu dib u soo celin karo sharaftii, awooddii iyo waxqabadkii lagu yaqiinay Soscensa, rajo waxaa laga qabaa in muddo aad u kooban ay Dalladdaasi dib u soo ceshan donto kaalinteedii hore.

WD: C/Laahi Shiikhaalow

Let’s block ads! (Why?)