Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiirii: Q-1aad.

Hordhac:

Nin Filasuuf ahaa oo la hadlayay Culummada ugu caansan dhinaca Syniska Reer Galbeedka ayaa yiri: Haddii ay Aqoontiinu yartahay, Diin la’aan ayaad u dhawdihiin, haddii aad Aqoon fiican leedahiina waxaad Aamineysiin Diin, waxaadna ku sii dhawaaneeysiin Xaqiiqda.

Talo.

(Haddad is mooday in aad Cilmi leedahay, waa lagaa Cilmi badan yahay Qur’aanka fiiri):

1-Fircoonkii, Nabi Muuse CS , dabagalay ee Baddu liqday.

Cilmi baarayaal ayaa ku doodi Jiray: Fircoon Baddaa liqday, Banaankana Jirkiisu ma imaan Karin, Sababta oo ah , waxa uu labisnaa Shaati Bireedkii Dagaalka, Guunta hoose ee badda ayuuna degay, kuna baaba’ay. Laakin Markii Ahraamta lagu Keydin jiray Maydadkii Faraacinada La baaray Qoyskii reer Fircoon ee waqtigii Nabi Muuse , Midna kama maqna Meydadkoodii.

Culumada Islaamku waxa ey ku yiraahdeen, Meydkii Fircoon Allaa Badbaadiyay, Badduna waa soo tuftay Meydkiisii. Allaah ayana Qur’aanka noogu sheegay:[Quran 10:92] in Jirka Meydka ah ee Fircoon la badbaadin Doono , si kuwa ka dambeeyo uu Tusaale ugu Noqdo, iyo in Dadka intiisa badani Aayadahaa ey moogyihiin. F.S: 1 & 2aad.

Muddo dhaw ayaa Caalim dhinaca Syniska oo Baarayay Daawada “mummy” ee la marin jiray Faraacinadii hore yiri: waxaan soo saaray Cilmi Cusub. Mid kaan ka midka ah Meydadka waxa uu dhintay isaga oo Biyo ku Haftay, korkiisuna cusbo ayuu leeyay, Taariikhdiisuna waxa ey ku beegantahay waqtigii Nabi Muse CS.

Waxaa lagu yiri: Wax cusub sooma aadan saarin 1400 sanno ka hor ayaa Nabigeenii Muxamed SCW uu noo sheegay. Waxa uu yiri: suura gal mahan, i tusiya Daliil? Markii la tusiyay Aaayadda Qur’aanka ee ka hadleeysana waa islaamay.

Allaah iyo Rasuulka CSW ayaa nooga cilmi leh.

La soco Qaybta 2aad

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)