GWADARTII AFRIKA OO JABUUTI LAGU DHAGAX DHIGAY

Inkastoo Ismaaciil Cumar Geelle (madaxweynaha Jabuuti) yahay kaligii taliye ma naxe ah, xukunka Jabuuti ku koobay qoyskiisa—oo aqoonyahankii dalkana wuxuu xabsi geliyay iyo qaar wadamada dibedda magangelyo u doontay ey noqdeen; haddana dhanka siyaasadda Caalamiga (International Geopolitics) waa nin hiraal fog leh. Waxaana arrinkaan daliil u ah inuu maanta xarigga ka jaray suuq xor ah oo ah kii ugu horreeyay uguna weynaa noociisa qaaradda bikradda ah ee Afrika. Jabuuti, sida Soomaaliya, waa dal dhaca goob dunida istaraatiijiyad u ah; waa marinka ey maraan dhammaan badeecadda u kala goosha afarta beenaj xiddigga aan ku dul noolnahay. Sidoo kale, geyigan wuxuu dhacaa af-kala-qaadka Badda Cas iyo qalka hoose ee marinka Suweys (Suez Canal) halkaas oo ey labada daan u durduraan dheefta iyo agabka ey u baahan yihiin aadanaha ku nool dunida. Khuburada qaarkood waxayba aaggaan ku tilmaamaan iney tahay halbowlaha dunida.

Tan iyo inta la xusuusan yahay taariikhda aadanaha, Geeska Afrika waxay aheyd meel ey ku hardamaan gacan ku hayteeda quwadaha shisheeye. Tan iyo dagaalkii Labaad ee Dunida kadib sanadkii 1945kii, waxaa Geeska ku haradamayay quwadaha Soofiyeedka iyo Reer Galbeedka oo uu Mareykan qabaan ka ahaa. Markii Soofiyeedka laga adkaaday, waxaa dheefta iyo gacan ku haynta mandhiqadda ku kali noqday Mareykan oo ey u kaba qaadayaan boqorada Carabta iyo kalitaliyaal. Mareykanku wuxuu wadamada Carabta siiyay dammaanad ah inuu cadowga ka difaacayo xukunkana ku ilaalinayo. Taa beddelkeedana Carabtu waxay dammaanad Mareykanka u siisay; petrodollar, Israa’iil inaan la collaadsan balse lala shaqeeyo. Carabta iyo Mareykanka khataraha meeshey ka filayeen mooyee meel kale ayey haatan kaga soo baxday. In ka badan 50 sanadood oo isnabid, is-miskiinin iyo qunyar socodnimo Shiinaha ayaa soo caga dhigtay mandiqadda Geeska Afrika gaar ahaan dalka Jabuuti. Shiinuhu hees, karatay ama ciyaar uma imaan Geeska Afrika—ee wuxuu rabaa inuu halbowlaha dunida gacanta ku dhigo oo Mareykan iyo Carab cunaha ku dhago.

Madaxweyne Geelle wuxuu dhowaan xarriga ka jaray SEDDEX dekedood oo caalami ah oo cusub iyo waddo tareenadu ku rooraan oo badeecadda toos u gaynaysa dalka Itoobiya. Arrimahaan oo dhami ma suuragasheen haddaan madaxweyne Geelle Imaaraadka ka cayrin Jabuuti oo jeexjeexin heshiiskoodii CURYAAMINTA DEKEDAHA GEESKA AFRIKA. Dhagax dhiggii maanta la dhagax-dhigay SUUQA XORTA EE AFRIKA (Africa Free Trade) waxaa kasoo qeybgalay madaxweynayaasha Bariga Afrika oo idil. Madaxweyne Farmaajo oo hadal ka jeediyay munaasabbada wuxuu yiri: “mashruucaani waa guul usoo hoyatay Bariga Afrika”. Waxaana sidaas oo kale yiri madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, reysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Suudaan Cumar Al-Bashiir.

Mashruucaan oo ey maalgeliyeen SEDDEX shirkadood oo Shiinaha laga leeyahay lana kala yiraahdo: the China Merchants Group, Dalian Port Authority iyo Chinese Big Data Company IZP. Mashruucaan waxaa ku baxayso adduun dhan $3.5 OO BILYAN waxaana laga dhisayaa dhul baaxaddiisu ka weyn tahay 4,800 oo hectres ah, wuxuu noqonayaa suuqa ugu weyn Africa. Mashruucaan dhammeystirkiisa wuxuu qaadanyaa 10 sanadood. Madaxweyne Geelle, wuxuu rabaa inuu Jabuuti ku xiro SUUNKA & WADADA ganacsiga caalamiga ah ee Shiinuhu qorsheeyay—kaas oo toos dekedaha Jabuuti ugu xiri doona dekedda ugu weyn adduunka ee Shiinuhu ka dhisayo magaalada Gwadar ee dalka Bakistaan. Madaxweyne Geelle wuxuu tiigsanayaa inuu badeecadda Afrika oo dhan halkaas u marsiiyo—oo Jabuuti ey qabaan ka noqoto. Waana guul ku timid qorshe iyo hiraal fog.

Dhanka kale, Soomaaliya oo dhacda dhul ka weyn kana Istitaraatiijisan kan Jabuuti waxba islama hayso, waayo iyagaaba isku mashquulsan oo kamaba warhayaan waxay heystaan. Waa halka faylasuufyada Soomaaliyeed ka oran jireen BAADI NIMAAN LAHEYN BEY AG-TAAL. Laga soo bilaabo tan iyo waagaan xornimada qaadannay 58 sanadood ka hor, dawladihii Soomaaliya soo maray lama imaan wax hiraal fog ah, oo siyaasaddoodu waxay aheyd SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH. Waxayna marwalba kasoo horjeesteen maalgshi shisheeye (FDI) iyo wax wada wadaag (stakeholders), arrinkaanna wuxuu Soomaaliya ka dhigay mid u nugloon burbur, dagaalo sokeeye iyo meel lagu tijaabiyo afkaarta argagixisada ee u adeega danaha shisheeye.

Tusaale, 1991kii Soomaalia markey burburtay cidna uma soo gurmadin ilaa dalku burburay oo baaba’ay dadkuna ey cuneen haraga xoolaha iyadoo in badan gaajo, cuduro iyo xabbad u dhinteen. Gurmadkii ugu horreeyay oo Caalami ah Soomaaliya wuxuu soo gaaray 1993kii, kaas oo lagu micneyn karo IGU SAWIR ee uu uusan aheyn gurmad ama badbaadinta Soomaaliya. Arrimahaanna waxaa sabab u ahaa, iyadoon dalkeena uusan laheyn wadamo shisheeye oo hanti ka taal oo dantooda ey ku jirto in Soomaaliya nabad noqoto. Waddamada ey dagaalllo sokeeye isku xilli Soomaaliya ka dhaceyn sida Itoobiya iyo Liberia degdeg baa loogu gurmaday oo nabad iyo dawladnimo si dhaqsaha ah looga dhaliyay. Sababtana ma’aheyn in labadaas dal ey heysteen diinta Kirishtaanka—ee waxay aheyd wadamo shisheeye ayaa hanti ka tiil oo diidanaa iney burburaan. Kenya dhowr jeer ayey qarka u istaagtay iney burburto, waxaa marwalba soo kala dhexgalayay oo qaboojinayay wadamo shisheeye oo dano kaleh dalkaas. Ilaa imminkana waxaan dabada heysannaa siyaasaddaas SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH.

Shiinuhu soddonkii sanadood ee ugu danbeeyay buu Soomaaliya sugayay iney garaadsadaan oo kasoo qeyb galaan DUNIDA CUSUB ee Shiinuhu uu hindisay, laakiin Soomaalida ayaa wax afgarta la waayay, sidaas ayaa keentay in Shiinuhu Jabuuti u wareego. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya weli dowr weyn baa u furan, waa haddii ey doqonnimada iyo isqabqabsiga meel iska dhgaan oo danta guud ku wajahaan siyaasad ah: SOOMAALIYA WAXAY U FURANTAHAY WAX WADA QABSI [SOMALIA IS OPEN FOR BUSINESS].

Waxay u egtahay in Mareykan xilligiisa soo gabagaboobay, Carabna ey raaceyso, Shiinaha iyo xulufadiisanna ey soo caga dhigteen. Carab waxaa ku filan Shiinaha oo badeecadiisa toos Jabuuti uga soo dajiya, dhaqaale ahaan muddo kooban ayey dhulka ku galayaan. Waxaa Afrika gaar ahaan Soomaaliya la gudboon iney ku daydaan garab istaagaanna talaabada geesinnimada leh ee madaxweyne Geelle uu ku dhaqaaqay. Sida fayluusfyada Soomaaliyeed ey horay u yiraahdeen: GEESINIMADU WAA XOOGAA YAR OO CAGAHA DHULKA LAGU HAYO! Geesinimada uu ina Geelle Carab uga cayriyay Jabuuti, sidoo kalana Shiine usoo dajiyay dalkiisa iyadoo Mareykan iyo Faransiis u hanjabayaan waa arrin mudan in lagu daydo oo casharo laga qaato.

W/Q: Abdiaziz Arab

Let’s block ads! (Why?)