Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Safaaradda Soomaaliyeed ee South Africa + Sawirro

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa waxa uu booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Pretoria ee Dalka K/Afrika.

Gudoomiyaha oo Dalka K/Afrika u joogo howlo shaqo ayaa waxa uu u kuur galay qaabka ay u shaqeyso Safaaradda iyo howlaha ay u qabato Jaaliyadda kadibna waxa uu kulan kula qaatay Xarunta Safaaradda Safiirka,Diblomaasiyiinta iyo Shaqaalaha waxa ayna warbixin guud ka siiyeen howlaha ay Safaaradda u qabato Jaaliyadda Soomaalida ee Wadamada Afrikada Koonfureed isagoo booqday dhamaan Xafiisyada ay Safaaradda ka koobantahay.

Danjire Jamal Barrow waxa uu warbixin ka siiyay Gudoomiyaha xilliga la furay Safaaradda iyo marxaladaha ay soo martay iyo waliba dhibaatooyinka Soomaalida K/Afrika heysto isagoo Barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in arimahaas ay garab ku siiyaan Safaaradda Soomaaliya si wax looga qabto madama ay matalaan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Madaxda iyo Shaqaalaha Safaaradda sida ay ugu dhabar adeegaan shaqooyinka ay u qabtaan Jaaliyadda Soomaaliyeed,waxa uuna ku dhiirgaliyay inay ku dadalaan jiritaanka Calankeena.

“ Maanta waxaan fursad u helay Safaaradeena Soomaaliya oo ku taalla South Africa,waxaana la kulmay diblomaasiiyin iyo madax u bisil howshooda loo igmaday u tababaran,waxaan ammaan iyo mahad ugu jeedinayaa sida ay ugu dadaaleen jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda mudadii ay Safaaradda furneyd” ayuu Gudoomiyaha yiri.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari ayaa noqonaya mas”uulkii ugu darjarada sareeyay ee booqasho ku yimaado Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Pretoria,iyadoo Safaaradda ay dhibadada u aaseen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee K/Afrika sanadii 2012 ka.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane

Let’s block ads! (Why?)