Guddoonka Cusub ee Warshiikh oo Kulan Barakaysan la yeeshay Dr. Xuseen Wadaad

Kulan loogu talagalay soo dhaweynta Aqoonyahan, Barbaariye, Dr. Xuseen Maxamed Cabdulle {Wadaad}, uuna soo qaban-qaabiyay Maamulka cusub ee Degmada Warshiikh ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa si qoto dheer waxaa loogu gorfeeyay sidii Golaha cusub ee reer Warshiikh looga taageeri lahaa dhinacyada Siyaasadda, Amniga, dhaqaalaha, nabadeynta, dib u heshiisiinta, waxbarashada, caafimaadka, is dhex galka bulshada iyo adeeg kasta oo lagu hormarinayo Degmadaasi.

Aqoonyahan, Barbaariye, Dr. Xuseen Wadaad oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyntii soo dhaweeyay hogaanka cusub ee loo doortay Degmadaasi, waxaana uu ka warbixiyay sida Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan ay uga go’an tahay sidii uu u dhismi lahaa wadankooda!

“Hadaad tihiin maamulkii la doortay, rajo badan ayaa la idinka qabaa, waxaana la idinka doonayaa inaad la timaadaan qorahayaal wax loogu qabanayo bulshada Deegaanka, waxaana idinku boorinayaa inaad si caddaalad ah ugu shaqeynsaan ummadda idin soo xulatay” ayuu yiri Dr. Xuseen Wadaad oo caddeeyay inuu Albaabkiisa cid kasta u furan yahay.

Guddoomiyaha Degmada Warshiikh Xasan Xaaji Darafeey oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin la kulanka Dr. Xuseen Wadaad, waxaana uu soo jeediyay in maamulkooda gacan lagu siiyo qaabkii ay uga soo dhalaali lahaayeen hawlaha loo igmaday.

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay xubno ka mid ah Golaha Degmada Warshiikh iyo waxgaradka Deegaankaasi, kuwaasi oo ka mahad celiyay kulankaasi taariikhiga ah oo ay maamulka Warshiikh la yeesheen Aqoonyahan Xuseen Wadaad.

Guddoonka cusub ee Warshiikh ayaa horey kulamo wadatashi ah ula soo yeeshay qaar ka mid ah culumada Soomaaliyeed, aqoonyhanka, Haweenka iyo qeybaha kale ee Bulshada.

Let’s block ads! (Why?)