Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo shaqo joojin lagu sameeyay (Waa maxay sababta?)

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow) ayaa shaqo joojin lagu sameeyay, kaddib markii lagu soo eedeeyay falal dhowr ah iyadoo wareegto ka soo baxday maamulka gobolka Banaadir si KMG ah loogu dhiibay Guddoomiye K/Xigeenka degmada Yaaqshiid Xuseen Maxamed Nuur.

Ku simaha Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna guddoomiye K/Xigeenka maaliyadda gobolka oo ku saxiixnaa wareegtada shaqada looga joojiyay guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ayaa looga dalbaday mas’uulka cusub ee lagu wareejiyay xilkaasi inuu guto howlaha maamulka degmadaasi.

Shaqo joojinta lagu sameeyay Guddoomiye Geedow ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dalka ka maqan yahay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow).

Horay sidaan oo kale xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg, kaasi oo lagu eedeeyay inuu aflagaadeeyay dowladda dhexe ee federaalka iyo madaxdeeda.

Let’s block ads! (Why?)