Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Wasiirro kale oo sagootiyay arday deeq waxbarasho ka helay Shiinaha+Sawirro

Muqdisho:- Guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi,Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre , ,Wasiirka Boostada,isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian,waalidiin ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday Muqdisho oo lagu maamuusaayey sagootinta arday deeq waxbarasho ka helay Shiinaha

Wasiirka Waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay horumarinta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed,islamarkaana ka wasaarad ahaan ay dadaal ku bixinayaan helidda deeqaha waxbarasho ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka faa’ideysanayaan.

Wasiirka wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta XFS Ayaa ka hadlay muhiimada waxbarashadu ay u leedaha dalka iyo in la horumariyo tiknoolajiyada taas oo ahmiyad gooni ah u leh dalka,wuxuuna xusay in ka wasaarada ahaan ay dhiirogelinayaan sidii looga faaideysan lahaa tiknolojiyada casriga ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa isagana ka hadlay Garab istaagga Dowladda Shiinaha ay siiso dowladda Soomaaliya,taas oo aan aheyn markii ugu horeysay,islamarkaana dowladda Shiinaha ay hore dalka ugu fulisay mashaariic ay ka mid yihiin waddooyinka iyo goobaha taariiqiga ah.

Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah,kaas oo qeyb ka ah xiriirka wanaagsan ee labada dowladood, Wuxuu xusay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya in dowladda Shiinaha ay sare u qaadeyso deeqaha waxbarasho oo ay siiyaan Soomaaliya.

Waalidiinta ardayda nasiibka u helay deeqaha waxbarasho ee dalka Shiinaha ayaa u mahad celiyay wasiirka wasaaradda waxbarashada mudane Cabdullaahi Goodax Barre dadaalka uu ugu jiro sidii ardayda Soomaaliyeed ay deeqaha waxbarasho ay ugu heli lahaayeen si cadaalad ah .

Let’s block ads! (Why?)