Guddiga diyaarinta adeegyada xujeyda sanadkan oo soo saaray Qiimaha Xajka iyo shirkadaha daabulaya xujeyda.

Guddiga loo xilsaarey diyaarinta adeegyada xujeyda sanadkan ayaa soo saarey go’aano ku aadan arrimaha xajka, iyagoo ku dhawaaqey in shirkadihii ku guuleystey adeega Xajka sanadkan in ay bulshada u qabtaan.

Cabdi Qani Qorane oo ah afhayeenka guddigaan ayaa sheegay in sanadkaan lagu aadayo xajka 3600$, taasi badalkeedane uu helayo xaajiga soomaaliyeed ee lacagtaasi la qaaday adeeg fiican .

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in 54 shirkadood ay ku guuleysteen daabulidda u adeegidda xujeyda soomaaliyeed kuwaasi oo lagula xisaabtamayo wixii qaladaad ee dhaca.

“Shirkadaha kama kordhin karaan lacagtaasi intaasi,” ayuu Guddiga raaciyey, isaga oo sheegay in shirkadii ka talaabtay jaan-goyntaasi ay wayn doonto ruqsadda.

Tartanka oo ay ka qaybgaleen 84 shirkadood ayaa waxaa kasoo baxay 50 shirkadood.

Let’s block ads! (Why?)