Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ku kulmi doona Magaalada Garoowe iyo arrimo Xasaasi ah oo ay ka doodayaan.

Waxaa lagu wadaa in bisha soo socota ee March Magaalada Garowe ay ku kulmaan Golaha iskaashiga ee Dowlad Goboleedyada kuwaas oo casuumad ka helay madaxweynaha Maamulka Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa Magaalada Garowe ku yeelan doono shirkooda labaad, kadib markii Golahaasi la aas aasay bishii November ee sanadkii tagay, xiligaas oo madaxda maamul goboleedyada iyo Madaxda Dowlada Dhexe uu u kala dhaxeeyay khilaaf Siyaasadeed oo dib loo xaliyay.

Warar hoose ayaa sheegaya in shirkaasi looga hadli doono arrimo la xariiro dhaqan gilinta qodobadii ka soo baxay shirkii Golaha Amniga Qaran oo maalmihii aan ka soo gudubnay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Madaxda maamul Goboleedyada ayaa horay loogu eedeeyay inaysan dhaqan gilinin qodobada ka soo baxa shirka ay yeeshaan Golaha Amniga Qaranka mar walba.

Let’s block ads! (Why?)