Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay oo diiday qorshihii Kenya ee Soomaaliya

ILAAH BAA KA BADBAADSHAY LUGOOYADII AY KENYA LA DAMACSANAYD SOOMAALIYA:

MAHAD ILAAH BAA LEH: Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay wuxuu maanta Diideen qorshahii ay dowladda Kenya ku dooneeysay inay Soomaaliya ku curyaamiso dalkeeda iyo dadkeeda.

Dalalka diidmadda qayaxan ku dhawaaqay waxaa ka mid ah USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait. Meeshana ka saaray qodobkii 1267 ay u cuskaneeysay Soomaaliya.

Markii ay kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay qodobka 1267, waxaa markiiba ka hor yimid siyaasiyiin, safiiro iyo rug cadaa u dhashay dalka Mareeykanka oo dowladooda uga digay hadeey qodobkaasi meel maro inay dhib badan la kulmi doonaan shacabka Soomaaliyeed oo In mudo ku jiray dagaal sokeeya, waxayna sheegeen haduu qodobkaasi meel maro inay dhibku noqon lahayid in ay Nabadi ka dhalato Geeska Africa.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa walaalkeey, safiirkeena UN Mission Hon. Ambassador Abukar Osman Balle iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uu hogaaminaayo Mudane Madaxwayne Mohamed Abdulaahi Farmaajo iyo PM Hassan Khayre.

Waxaan Ilaah ugu baryeeynaa inuu barakeeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Thank you Mr. Ambassador

Awliyo

[embedded content]

Let’s block ads! (Why?)