Gen.Paul lokech “Ciidamada Uganda waa ku guul daresyteen ka hortagga iyo yareynta halista Al-Shabaab..”.

Kadib markii uu xilka wareejiyay Taliyihii hore ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM Paul lokech ayaa ka hadlay howlgalka ka socda Soomaaliya wuxuuna sheegay inay ku guul daresyteen ka hortagga iyo yareynta halista weerada Al-Shabaab.

Gen Paul Lokech ayaa sheegay inay jirto khatarta Al-Shabaab ee weerarada iyo Bambaanooyinka ayna ku guul dareysteen inay ka hortagaan, balse ay sii wadayaan ka qeyb ahaanshiyaha howlaglka AMISOM.

Dhanka kale Ciidamo ka socda Uganda ayaa mudada uu socda howlaglka AMISOM ee ka badan10-ka Sanno qeyb ka ah, iyadoo dhowr jeer ay Uganda bedeshay taliyaasha ciidamada ka jooga Soomaaliya.

Let’s block ads! (Why?)