Gen. Caanood “Al-Shabaab waxaan u gaysanay Jab xoogan, waxaana ka dilnay qaar ka mid ah…”

Wararka ka imaanaya deegaanka Basra ayaa sheegaya in iska hor imaad kooban uu duleedka deegaankaasi ku dhexmaray ciidamo katirsan Militariga Soomaaliya oo howlgalo waday iyo maleeshiyaad katirsan Arggagixisada Shabaab oo halkaasi ku dhuumaalaysanayay.

Abaanduuliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janaraal C/llaahi Cali Caanood oo waraysi siiyay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA yaa sheegay in 3 ka tirsan Shabaab lagu dilay howlgalkaasi halka 4 kalena looga dhaawacay.

Gen. Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulfka ka dhanka ah maleeshiyada SHabaab oo la doonayo in guud ahaan laga sifeeyo dalka,iyadoo deegaanada howlgaladaasi ka socda ee ku yaala xadka Shabeelooyinka ayaa dhowr jeer Shabaab waxay dhibaatooyin ay ugu geysteen dad ku safrayay wadadaasi.

Let’s block ads! (Why?)