Gabadha Soomaalida ah ee caqabadda kala kulantay ka mid noqoshada baarlamaanka Sweden

Layla Cali Cilmi, waxay baarlamaanka Sweden ka mid noqotay sannadkii 2018kii, inkastoo ay wajeheysay caqabado adag oo kaga imaanaya “dadka miyalka adag”, sida ay sheegtay.

Waxay ahayd gabadhii ugu horeysay ee xijaaban ee ka mid noqota baarlamaanka dalkaasi, waxayna ahayd arrinta ay kala kulantay “caqabaddii ugu waynayd”.

“Dhalleeceyn badan baa isoo gaarayay maadaama anigu nidhaamka baarlamaanka lagu soo galo mid ka duwan aan ku soo galay. Anigu awoodda shacabkaan ku soo galay, balse dad badan bay ku noqotay lama filaan,” ayey tiri Layla oo la hadashay BBC SOmali.

Layla waxay ku dhalatay Soomaaliya, waxaana Sweden ay qaxooti ahaan lagu geeyay iyadoo jirtay ku dhowaad laba sano, waxaana wehliyay qoyskeeda.

Gabadhan oo 31 sano jir ah waxay sheegtay: “Dadka xagjirka ah iyo suxufiyiin badan oo xagjiriinta ka mid ah ayaan caqabado badan kala kulmay.”

Waxay taasi u sababaysay in ay ka tirsan tahay gole ay ka duwan tahay dhammaan dadka kula jira. “Yacnii kuma milmi kartay; Ilaahayba kulama mid dhigin, waad ka duwan tahay”, ayey tiri.

Layla, inkastoo caqabadahaa ay la kulantay, haddana waxay sheegtay in “aad ay ugu faraxsan tahay” xilka ay haysto oo ah “mid culus oo leh dhibaatooyiin iyo culeys badan”, sida ay sheegtay.

Maxaa ku dhiirageliyay siyaasadda

Sannadkii 2014-kii, Layla Cali Cilmi waxaa loo doortay xubin ka tirsan gole deegaanka, halkaas oo ah meesha ay ka soo bilowday ololeheeda siyaasadda iyo in ay ka mid noqoto baarlamaanka.

“Anigu siyaasadda cidna iguma dhiiragelin”, ayey tiri Layla oo dhalatay 16-kii Bishii January ee sannadkii 1988. “Waxaan u maleynayaa in inta badan dadku ay ka shidaal qaataan waalidkooda”, ayey ku sii dartay hadalka.

Xildhibaan Layla Cali Cilmi oo ku sugan aqalka baarlamanka Sweden.
 

“Hooyo iyo aabe midkoodna siyaasi ma ahan, marka ma aha wax qoyskeyga xaggiisa ka yimid. Waa wax igu dhashay anigoo yar oo ah in wax isbedel bulshada u keenayo oo looga adeegayo shaqo la mid ah in aan qabto”.

“anigaba isma oran siyaasi baad noqoneysaa, laakiin sidaan unbaa Alle qadarku ka dhigay”, ayey u sheegtay BBC Somali.

Waxay tiri: “Waxaan u arkayay in aan anigu u istaago, in maadaama aan waddankan ku noolahay, siyaasadda Sweden-na aan iska dhex arki waayay, yacnii qof aniga shucuurteyda matala”.

Hadda waxay xubin ka tahay guddiga Shaqa Abuurka ee Baarlamaanka Sweden. Xisbigeedana waxay u matashaa wixii ku saabsan shaqa abuurka iyo arrimaha socdaalka ee dalkaas.

Waxaa laga soo doortay magaalada Gothenburg oo ay ku nool yihiin bulsho Soomaali ah oo badan.

Layla waxay qeyb ka tahay dhallinyarada Soomaalida ah ee ku dhiiraday in ay galaangal ku yeeshaan siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin.

Dadaal dheer ayay ku bixisay in ay ka raadsato codkooda dadka ku nool magaalada Gothenburg oo ay Soomaalidu qayb ka yihiin.

Waxaa ka mid ah, Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, Axmed Xuseen, oo ka mid ah Baarlamaanka Canada, ahna Wasiirka Socdaalka ee dalkaas iyo Maajid Maajid oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub, kaas oo laga soo doortay magaalada Sheffield ee UK. Waxaa sidoo kale jira kuwa badan oo ku haminaya in ay u loollamaan kuraas kala duwan oo Yurub iyo Ameerika ah.

Waxay Layla Cali Cilmi aaminsan tahay in dumarka ay kaalin wayn ku yeelan doonaan Soomaaliya iyo nidhaankeeda, “taas oo markii hore aan jirin”.

“Hadda waxaan oran karaa in Bulshada Soomaaliyeed ay ka nooshahay dhanka gabdhaha. Waxaan gabdhaha Soomaalida ku dhiiragelin lahaa in dayaxa ay tagi karaan”, ayey tiri.

“Ha isku kalsoonaadaano, hamigoodana ha ka dhabeeyaano. Qofku in uu hami lahaado oo uu isku deyo wax kastaa waa guul. Isku deyga baa la isku dhaafay adduunku”.

Xigasho:BBCSomali

Let’s block ads! (Why?)