Gaas oo u adeegsanaaya xilkii madaxnimo awood Ku maquunin shacabka raacsan madaxda Dowlada Federaalka

Nabadoon Cabduqaadir Axmed Xarago Waa nin ehlu diin ah,ka dhashay qoys aad looga qadariyo guud ahaan soomaaliya gaar ahaan Puntland. waa nin nabdoon ah oo suldaan ah bulshada dhexdeedana ku leh haybad iyo karaamo weyn. waxa uu kamid yahay akhyaarta mutacalimiinta ah ee goor walba ka shaqeeya midnimada iyo wanaaga iyo walaaltimimada umada soomaaliyeed. waa nin mufakar ah oo leh wax curin iyo talo keenimo buuxda. xurmo iyo xaqdhawr buu ku leeyahay shacabka Puntland dhexdiisa isagoo la ogyahay sida uu uuga shaqeeyay islaaxa iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha dagan Puntland gaar ahaan.

Mabdi iisa ayaa ah sida lagu yaqaan midnimo soomaalinimo iyo dawlad nimo.waana inta laga rabo qof xilkas ah iyo muwaadin dalkiisa jecel.

Abwaan cabulqadir cabdi shube Waa abwaan Soomaaliyeed,nin walbaa garanaaya waana nin wadani ah had iyo jeera tiriya gabayo wax ku ool ah oo dad waynaha soomaaliyeed uu ku dareen siinayo qaabsuugaaneed fahanka diinta dadka iyo dalka soomaaliyeed. waa abwaan bidhaamiya waxa Soomaaliya ahaan jirtay hada tahay iyo saadaalin waxay noqon doonto mustaqbalka hadii illaahay idmo. Abwaan weeye mideeya soomaaliya,abwaan weeye isu soo duma soomaalida kala irdhoowday abwaan weeye taageera dawladnimada umada soomaaliyeed iyo wada jirkeeda.

Waa halgamaa ah dawlad doon dal doon dad doon.waa Cabduqadir cabdi shube oo ah nin illaahay siiyay waxa cid walba uusan siin oo ah xikmad iyo fahan fog. hibo weeye aan cidina ka xoogi karayn xaqiri karayn oo alle ku manahaystay isaga. intaas ayaan ku daayay maanta.

Labadaa akhyaar ee kamidka dadka Puntland dagan ee soomaaliyeed kuwooda uugu magaca iyo sharafka badan bulshada dhexdeeda ahana rag aad loo qadariyo,ayaa waxaa sharkooda damcay in uu wasakheeyo nin aan aqoon iyo garasho u lahayn dagaanka puntland iyo dadkiisaba. dhaqanka soomaaliyeed waa xurmeeyaa raga akhyaarta ah ee haldoorka u ah bulshada dhexdeeda xataa hadii colaadi dhacdo oo lays dilo iyagu waa biri ma gaydo.

Waxan uun waayadan soobaxay ee ay keentay duruufta dawlad la aantu,ee lagu kala qoqobay shacabkii soomaaliyeed,mid noocaan tolnimo ku helay kursiga garoowe kaasoo ku soo beegmay xiligii hagbada  sadexda jilib hoosaad ku haystaan puntland sidaana loogu dhiibay oo lagu magacaabo CABDIWALI CALI GAAS ayaa ku gafay sharafta ragaa akhyaarta ah isagoo isleh shacabka wax garadka ah caburi si hagbada cidii xiligan xaga u lahayd u hesho!

Hagbadleeydan oo kasoo horjeeda in Soomaaliya hesho dawlad fadaraal ah oo xoogleh oo dalka hanata iyo Mogdisho oo sharafkeedii caasimad la soonoqota marlabaad,ayaa waayadanba sadex maangaab (Axmed madoobe,sharaf sakiin,iyo Xaaf) ku garaacayay dawlada fadaraalka ah ee dadka soomaaliyeed isku wada raacsan yahay dal iyo dibadba taasoo hana qaaday. waxay ku dadaalyaaan in hagbadlaydu sii haystaan Puntland si aan loo helin dawlad soomaaliyeed! iyagoo ka samaystay dhaqaalo farabadan Puntland inta dawlad la aantu jirtay.

waxay luminayaan dantii shaqsiga ahayd ee ay haysteen hadii dawlad ka hana qaado Mogdisho. cabsi weyn bay ku abuurtay in shacabka puntland heleen dawlad ka hufan qabiil sharaf leh dalka iyo diinta iyo dadka soomaaliyeed anfacaysaa in ay inoo dhalatay sibuuxdana shacabka Puntland utaageereen,hadana ay diyaar u yihiin in ay qortaan ciidanka fadaraalka soomaaliyeed oo dalkooda u dhintaan. qabiil ma noqon karo dawlad kolkaa waxaa suaashu tahay maxaa hadaba la raadinayaa? waxaad garan kartaa waxa la raadinayaa in ay aytahay anoo beel ah aan noolaado inta kale ha baabado,dawladna marabo.

Hadaba Gaas waxa uu meel uuga dhacay qayimkii bulshada iyo xoriyadoodii,waa dikteeytar raba in dhiig badan oo mudo socdaa ku daato PUNTLAND. Shacabku dib u laaban maayaan,waxay rabaan dawlad soomaaliyeed oo hanata dalka oo dhan waana heleen taasaana xaqu yahay in lawada raaco qabiil bulsho soomaaliyeed meel ku xaraystana waa dhamaatay.

Majiro maanta soomaaliya oo 30 sanadood dhib iyo dawlad la aan ku jirtay in ay kusii jirto maha mid la aqbali karaayo,dalku dawlad buu leeyahay waana in laraacaa majiro wax kale oo qofna ufuran. dagaalkuna waa cad yahay waa dawlad doon iyo dawladiid. uma rabno Puntland hagbadleey danbe oo hor istaagta qaranka soomaaliyeed ee dhaqaaqay. waxaanse ka digayaa in laga waan toobo siqiir gawrac ka dhaca majeerteen dhexdiis. waa digniin cad. magaca reerkan in lolkayo harti iyo soomaali lagu wasakheeyo yeelimayno mana qaadanayno,sida aanaan u qaadanaynin in laga gaabiyo taageerida iyo u hiilinta dawlada somaaliyeed ee xalaasha ah.

HAGBADU KANOO KALE AYAY MADAX KAAGA DHIGTAA! halkii hogaan fiican la xulan lahaa oo ku yimaada sinaan iyo cadaalad.

Let’s block ads! (Why?)