Francisco Madeira oo sheegay in dib u habeyn lagu samaynaayo Ciidamada AMISOM

Sierra Leonian troops are briefed at their headquarters in Kismayo, Somalia, before embarking on a foot patrol in territory controlled by al Shabaab on September 26. AU UN IST PHOTO / Jacob Willmer

Muqdisho:- Wakiilka Midowga Afrika Francisco Madeira oo u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in dib u habeyn lagu sameyn doono Ciidamada AMISOM, ka hor inta aysan ciidamada Burundi ka bixin Soomaaliya.

Wakiilka ayaa sheegay in qorshan ay bilaaban doonaan maalmaha soo socda, islamarkaana dib u habeyn lagu sameyn doono ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Francisco Madeira ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan ciidamo tiradooda gaaraysa 1,000 askari oo ka socda kuwa Burundi ay ka bixi doonaan Soomaaliya.

Francisco Caetano Madeira, ayaa horay Muqdisho kaga dhawaaqay in 1,000 askeri oo ka mid ah AMISOM ay ka bixi doonaan Soomaaliya, marka la gaaro dhammaadka bisha Desembar ee sanadkan.

Dhanka kale Dalka Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jibuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)