Film-ka Mine & Dhalinyarada Aqoonyahanka maxay isaga egyihiin (Faallo)

Sida sawirka idinkaga muuqata, waxaad aragtaa askari Maraykan ah, magiciisu waa Mike, waxaa uu dhafoorka iska saaray baaskoolad, isagoo raba inuu is dilo. Askarigan waa baydari ama shiishyahan loosoo asteeyey shaqo ah inuu Ciraaq ku dilo nin ay aad udoonaysay dowladda Maraykanka. Shaqadii loo igmaday ayaa fashilmatay kadib markii ay seegeen yoolkoodii, waxaana ay usoo carareen meel ay ku gabbaadaan isaga iyo askari saaxiibkiis ah. Waxaana ay si kadis ah kusoo galeen dhul saxare ah oo wada miinaysan, saaxiibkiis ayaa miino ku istaagay, kadibna way ku qaraxday, lugna waa ay goysay. Isaguna waxaa uu ku istaagay miino kale. Waxaa uu la xiriiray kooxdii badbaadin lahayd ee meesha keentay, waxaana loo sheegay in muddo 52 saacadood ay ku qaadanayso in loo yimaado.

Waxaa uu isku dayey inuu kala furo miinadii, waana uu ku fashilmay, nafsaddiisina waa ay is dhiibtay, waxaana la foolxumaatay inuu si foolxun ugu dhinto saxaraha, waxaa maskaxdiisa hor imaanayey farriimo xusuus ah isagoo qoyskiisii la jooga, isagoo waalidkiis la sheekeysanaya. Markii dambe waxaa u yimid nin reer Baadiye ah oo lugtu go’antahay oo wata gabar yar uu dhalay, ninkaas ayaa isaguna waxaa lugta goosatay miinooyinka ku xabaalan saxaraha. Ninka ayaa waxaa uu Mike ku dhiirrigeliyaa inuu miinada ka koco oo nolosha u bareero oo geesinimo muujiyo, isku day badan kadib waa uu ku qancin waayey, habeenkii markii la gaaray Mike waxaa soo weeraray Yey xabbad ayuuna isaga dhiciyey. Mike waxaa uu gaaray xaalad is dhiibitaan, daal harraad, baqdin, walwal iyo rajo xumo.

Mike waxaa uu markii uu naf ka quustay isku qanciyey inuu qaato taladii ninkii reer Baadiyaha ahaa oo ahayd inuu miinada ka boodo, waxkastaba ha dheceen. Markii uu ka kacayba miinadii, waxaa uu filayey ugu yaraan inay lug ka goosan doonto, maba qarxin, waxaa uu Mike bilaabay inuu qodo wuxuu ku taagnaa, mise waa daasad boombale ku dhex jiro oo miinaba kuma taagnayn.

Haddii aan usoo noqdo xagga ay Mike sheekadiisa iyo dhalinyarada aqoonyahanka isaga egyihiin, waxaa lagu celceliyaa in dalka ay joogaan dhallinyaro tiro ahaan gaaraysa +70%. Waxaa in badan oo kamid ah ay ku hubaysan yihiin aqoon kala duwan, aqoontaas ayaa waxaa ay ubadantahay arrimaha dalku sida aadka ugu baahanyahay, waxaa sanadwalba kasoo baxa jaamacadaha dalka kumannaan arday ah oo soo bartay maamulka, shareecada, caafimaadka, ganacsiga, technology-yadda, iyo qeybo kale oo badan.

Suuqyada dalka, xafiisyada dowladda, masaajidda, xarumaha caafimaadka iyo dhammaan goobaha shaqooyinka haddii aad booqatid waxaa jooga un dadkii joogi jiray waligood. Hadaba xaggee bay aadeen kumannaankaas aqoonyahan? Maxaa ay uga muuqan waayeen goobaha shaqooyinka & dalkaba? Maxaase hortaagan inay la yimaadaan afkaar horumar ah oo waaweyn?

Su’aalahaan ayaa waxa aan qabaa inay u baahanyihiin in lagu sameeyo cilmi-baarisyo xeel dheer, si xal loogu raadiyo hantidaas dalka usoo kacaysa sidii looga faa’ideysan lahaa.

Haddii aan isku dayo inaan aragti shakhsi ah ku darso ka jawaabidda su’aalahaan 3da ah, waxaa ay ila tahay:

Midda 1aad: Badankood aqoonyahanka soo baxay ayaa iyagoo aanan aqoon meel ay waxka bilaabaan, waxaa aad ku arkaysaa meheradaha lagu shaaheeyo iyo goobaha lagu caweeyo, iyagoo niyad jab weyn uu ka muuqdo. Halka tiro aad u yar ay ka howlgalaan hay’adaha iyo qaar kamid ah ganacsiyada, iyagoo badankood halkaa ku hela qaraabaysi ama dalab shaqo oo ay dhib ku u mareen helideeda.

Midda 2aad: Aqoonyahanku marka uu soo boxo kuma filna aqoontiisa theory-ga ah ee waxaa uu u baahanyahay tababarro uu ku gado xirfadihiisa iyo aqoontiisa, sidoo kale suuqa ayaanan u diyaarsanayn aqbalaadda aqoonyahanka cusub ee soo biiray, madama ganacsiyada iyo goobaha shaqada ay haystaan dad aanan iyaguba aqoon sida loola macaamilo dadka noocaas ah, sidoo kale goobaha iyo jaamacadaha ayaanan lahayn xiriir iyo aragti looga faa’ideysto aqoonyahankaas. Sidoo kale waxaanan jirin ha’yado maal-galiya fikradaha ganacsiga ee ay qaar aqoonyahankaasu la yimaadaan, inkastoo ay jiraan kuwo maalgelin bixiya, balse waxaa ka horreeya shuruudo aad iyo aad u adag oo badanaa uusan ka bixin karin qof dhalinyaro ah oo hadda jaamacad kasoo baxay, lagana yaabo in xaalad adag uu wax kusoo bartay.

Midda 3aad: Dalka waxaa kajira xir-xirnaan badan oo ka timid wacyiga bulshada oo aad u hooseeya, ganacsiyo badan dalka kama ay jiraan, haddii aad suuqa martid waxyaabaha laga ganacsado kama badna tobaneeyo waax-ganacsi oo badankooda ah aasaasiyaadka ganacsiga. Waxaa jira in aanan la tixgelin hal’abuurka oo aysan jirin siyaasad dhowrta haddii lala yimaado fikir hal’abuur ah oo ayba dhacayso qof lacag badan haysta inuu hal’abuurkii inta min guuriyo, suuqaba ka qabsado qofkii lahaa fikradda cusub, aysanna jirin qaab loola xisaabtami karo ama lagu dacweyn karo. Sidoo kale waxaa jira in shaqooyin badan oo muhiim ah ay ku bahdilanyihiin dalka oo qofka ka shaqeeya aysan bulshadu tixgalin siin, waxaana ay ubadanyihiin shaqooyinka farsamada, wax soosaarka gacanta, beerashada, dhismaha, qurxinta, makaanigga, sawiraadda, fanka & madadaalada.

Dhammaan arrimaha aan kasoo hadlay, maaha wax kaligay ii muuqda ee waa wax ay wada arkaan qofwalba oo si dhow u eega xaalka aqoonyahanka soo baxaya iyo suuqa waxa kajira, waxaana jirta baqdintii Mike haysatay oo kale, taas oo keentay in qofwalba uu ka baqayo in ay miino ku qaraxdo “Shaqadaan amaa magac xumo ka qaaddaa, amaa sharaftaadii hoos udhacdaa, waalidkaa amuu ku habaaraa, bulshadu amay ku faquuqdaa….”.

Xusuusnow taladii odayga reer baadiyaha ahaa ee Mike la hadlay, u bareer nolosha, aqoontaada soo bandhig, fikirkaaga gad, hal’abuurkaaga sii daa. Bulshada aad ka baqaysid ogow adigaa u maqan, adiga ayey ku sugaysaa, bulshadan wacyigoodu waxaa uu joogaa meeshii ugu hooseysay, waxaa ay caleemo qoyan kusoo dhaweeyaan kuwo iibsanaya dhulkooda, baddooda, aayohooda oo ah idinka. Aqoonyahan adigaa lagu sugayaa ee maxaad sugaysaa?

W/Q
Cabdullaahi Bootaan
Faafi

Let’s block ads! (Why?)