Falanqeyn. Shir looga hadlayo amniga Soomaaliya. Qodobada la isku hayo

Sidaan wada ognahay wadanka soomaaliya waxay beesha caalamku aqoonsan tahay jiritaanka Dawlada faderaalka iyo Golayaasheeda iyo Dawlad Gobaleedkeeda ka tirsan waxaa jira marxalado kala gadisan oo dawlada faderaalku soo martay

Sida aan wada ognahay Golaha amniga qaranka wuxuu ka kooban yahay xubnaha madaxda dawlada faderaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada.

ujeedada loo sameeyey ayaa ahay inla dhiso ciidan Qaran oo matala shacabka soomaaliyeed iyo. Dajinta siyaasada amniga guud ee soomaaliya

ciidankaa oo ah dhabaan ciidamada difaaca Qaranka iyo cidanka amniga Qaranka sida Milateriga iyo boliiska Nabad sugida oo ah Faderaal.

Waxaa kaloo shaqada Gudiga amniga Qaranka ah In. Dhabaan noocyada ciidanka Qaranka Taliya yaashooda. Sida milatariga boliiska Nabadsugida asluubta magacaabida Taliyaashaas gudiga amniga Qaranku marka hore kawada Tashadaan

Magacaabida. Xubnaha noqonaya taliye ciidan Qaran si uu u helo awood taliye ciidanka Qaranka ee Faderaalka xukuma ka dibna madaxweynaha Faderaalku ku magacaabo si dastuurka waafaqsan markuu helo taageerida dhabaan. Madaxda maamul gobaleed yada.

Waxaan Falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa waxaa beri magaalada moqdisho shir uga furmayaa xubnaha Golaha amniga qaranka

Shirkan waxaa horyaala Qodobo adag oo u baahan in siyaasad mideysan lagu heshiiyo taas oo ah in marka hore lagu heshiiyo

Samaynta. guddi farsamo oo soo diyaariya sidii loo dhisilahaa ciidanka Amniga Qaranka oo ay ku jiraan qaab-dhismeedka Ciidamada Nabadsugidda, Booliska, iyo ciidanka Asluubta.

Xubnaha gudigan waxaa la doonayey in laga soo wada doorto Wasaaradaha abniga iyo difaaca ee Dawladda Federaalka, iyo kuwa Dawlad-goboleedyada iyo Gobolka Benaadir

Marka hore waa in aan isweydiino sidee loogu heshiinkaraa in Gudigan Farsamo oo diyaariya siyaasada Amniga Qaranka loo sameyn karaa ?

Madaxda ka qeyb galaysa Kulanka shirka waxay sheedda sare uga muuqdaan kuwo u wada mideysan in la sameeyo siyaasad mideysan oo lagu hormarinayo amniga shacabka soomaaliyeed loona baahan yahay ciidan Qaran oo soomaaliyeed

Balse waxa uu Hoggaamiye kasta doonayaa inuu ka hadlo Aragtidiisa Siyaasadda iyo Nidaamka uu u doonayo siyaasada amniga Qaranka iyo Awood-qeybsiga Taliyaasha ciidanka Qaran ee beeshiisa ka helayso awood Qaybsiga

Waxaa hubaal ah in markasta oo la shiro shirku dheeraado markaasoo Hoggaamiye kasta qalbadda ku hayo Qoddobo u qarsoon, oo ku aadan Aragtidiisa, shirka halkaana lagu waayo dantiiguud iyo midnimadii guud ee shirka looyimid

Waxan falanqeyn tayda ku soo gaba gabeynayaa dhisida ciidan Qaran waxay u baahan hahay in marka hore dadka xirfada garanaya ee saraakhiisha ciidanka ah ee khibrad iyo aqoon u leh ay marka hore diyaariyaan siyaasada aminiga Qaranka ee Dawlada faderaalka iyo maamul gobaladeeda xubinta ka ah dawlada. Amniga Gobalka banaadir oo ah caasimadii wadanka
marka aqoon ahaan iyo Qorsha ahaan lagu heshiiyo dadkii aqoonta u lahaa dhismaha ciidanka soodiyaariyaan uu xirfad aqooneed ah.

kadib la diyaariyo siyaasadii lagu fulin laahaa markaa ayaa loo baahan yahay in la sameeyo shikan oo kale oo ay isugu yimaadaan

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya kuwa maamul goboleedyadda saxiibada beesha caalamka ee nataageera.

Shirka amniga Qaranka markasta la isugu yimaado ma jiro Qorshe aqooneed oo laga soo diyaariye xaaladda Amniga ee guud ee Soomaaliya.

Hadii shirka laga dhigo shir siyaasadeed kaas oo ah siyaasiin wax kala tirsanaya sidey u fahmikaraan danta guud. Nabadgalyada soomaaliya.

Waxaa nasiib xuma ah. Wixii lagu balamay shirkii horay uga dhacay Magaalada London ee looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya. Lixbilood ka hor Qorshihii la diyaariyey

wax laga fuliyey ma jiryo markaa sow wax layaabo maaha in la yiraah waxaa ciidanka Qaranka noo dhisaya.

Dawladaha IGAD iyo wakiiladda beesha caalamka u fadhiga Muqdisho UN, EU, UK, USA, Turkiga iyo Imaraadka.

Markaa way adag tahay in isku-dhafka ciidamada, iyo sidii la iska kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al Shabaab
Guul laga Gaaro

Qore mahamed caalim

Let’s block ads! (Why?)