Faah faahin:-Qarax ka dhacay Magalada Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax Gaari oo xilligii lagu jiray Afurka ee Caawa ka dhacay Agagaarka Aargada Liido degmada Cabdul Casiis ee Gobolkan Banaadir.

Qarax oo aan gaysan wax khasaare ah ayaa ahaa gaari la dhigay agagaarka Aargada Liido ee Degmada Cabdicasiis.

Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gaariga qarxay uu noociisu ahaa Toyota filler,isla markaana wax khasaaro ah geysan.

Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa tan iyo markii la guda galay Bisha Ramadaan waxaa ka dhacay qaraxyo gaari loo adeegsay oo khasaaro geystay iyo dilal qorsheysan,kuwaas oo mas’uuliyadooda ay sheegteen Al-Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)