Faah Faahin:-Kooxo Hubeysan Oo Dil Ka Geystay Magaalada Muqdisho

Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in dilkan uu ka dhacay Nawaaxiga Masjid lagu magacaabo Shuhadda oo ku yaalla Cabdalla Shideeye,isla markaana waxaa Ninkaas u geystay rag hubeysnaa Bastoolado xili halkaasi uu ku sugnaa.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in marxuumka goobta ugu geeriyooday rasaastii lagu dhuftay,iyadoona goobta ay ka qaadeen Meydkiisa dad shacab ah oo xiligaas goobta Agdhawaa.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa si deg deg ah u baxsaday,iyadoona durbo goobta ay tageen Ciidamo Boolis ah,kuwaasi oo baaritaano kooban sameeyay,hayeeshee laguma guuleysan in qabto ragii fuliyay falka.


Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan,waxaana qaarkood Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab,iyadoona ay xusid mudan tahay in shalay Xaafada fagax ee Degmada Yaaqshiid lagu dilay mid kamid ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Hirshabeelle.

Let’s block ads! (Why?)