Ergayga Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa

Wakiilka Gaarka ah ee  Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa maanta tagay  Magaalada Hargeysa.

Ergayga ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaa ayna ka wadahadleen xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya iyo Qodobo kale.

Labada Masuul ayaa sidoo kale waxaa ay ka wadahadleen  dagaalka deegaanka  Tukaraq, kaasi oo u dhexeeeya Ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland, iyadoona wakiilka uu madaxweynaha Soomaaliland ka dalbaday in ay nabada ka shaqeeyaan.

Wakiilka Qaramada midoobe ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas haysom iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi ayaa waxaa kale oo ay ka wadahadleen xiriirka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland,amaanka iyo qodobo kale.

Nicholas Haysom ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay safar ku marayay deegaanada ay maamulaan Madaxda Maamul Gobaleedyada ka jira dalka

SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/252617150440 

 Email [email protected] 

TELL:25261767809

Let’s block ads! (Why?)