Eng. Yarisow oo ku guuleystay Dacwaddii Maxkamadda Racfaanka Amsterdam

WARSAXAAFADEED

Eng. Yarisow oo ku guuleystay Dacwaddii Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ee uu qaatay Dahir Alasow

Muqdisho, 22, Feb 2019–Daahir Calasow oo Racfaan ka qaatay go’aankii ay horey Maxkamadda Amsterdam uga gaartay 14 September 2017kii , ayaa asbuucaan go’aamisay in Dahir Calasow uu Raalligelin buuxda ka bixiyo eedeymihii been abuurka ahaa ee uu sumcadda, sharafka iyo karaamada Eng. Yarisow uu meel uga dhacay.

Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ayaa ku amartay Daahir Calasow inuu barihiisa bulshada, sida Facebook, Twitter, YouTube iyo website-yada uu maamulo uu ku soo bandhigo raali-gelin buuxda. Sidoo kale Daahir Calasow waxaa la faray inuu ka saaro qoraaladii iyo muuqaalladii uu sumcada iyo sharafka Yarisow meel uga dhacay, iyadoo la duldhigay ganaax haddii uu u hoggaansami waayo go’aanka Maxkamadad.

Eng. Yarisow ayaa yiri “Waxaan soo dhoweynayaa go’aankii ay Maxkamadda Racfaanka magaalada Amsterdam ay ka soo saartay oo ay igu raacday in Daahir Calasow uu yahay shaqsi suxufinimo dadka ku baada, kuna dila sumcadooda, sharafkooda iyo karaamadooda. Go’aanka Maxkamada Racfaanka waa mid naga wada mudan soo dhoweyn oo shaqsiyaadka raba inay sumcada, sharafka iyo karaamada waxyeeleeyaan aan loo dulqaadan doonin, waxaa la soo dhaafay waqtigii uu shaqsigu waxa uu doono sameyn lahaa oo sharciga ayaa lala tiigsanayaa qofkii falalkan oo kale ku kaca.”

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sidoo kale yiri “Go’aankan Maxkamadda Racfaanka Amsterdam ayaa runtii na xasuusinaya muhiimada macluumaadka uu shaqsigu baahinayo ee uu dadka la wadaagayo ama dalka gudihiisa ama dibadiisaba.

Maxkamada ayaa sheegtay in Daahir Calasow uusan maxkamada horteeda keenin caddeymaha eedeymaha culculus ee uu qorayey, iyadoo markii uu Eng. Yarisow Maxkamadda horkeenay cadeymo ku filan lagu amray Daahir Calasow inuu goobihii uu ku qoray macluumaadkaas uu raaligelin buuxda ku soo daabaco.

DHAMMAAD

Let’s block ads! (Why?)