Duqiyoow Is-illaali, Dadka-na Daacadnimo ugu Adeeg!

Guddoomiyaha Magacaaban ee G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Max’ed {Finish} ayaa la filayaa
saacaddaha soo socdaa in loo caleemo saaro xilka uu u igmaday Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya.

Dhawr habeen ka hor ayaa lagu waday in Duqa cusub uu xilka la wareego hase yeeshee waa la baajiyay, sababo lagu sheegay dhanka Ammaanka awgeed!

Aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay xaaladda uu ku shaqeyn doono Guddoomiyaha cusub, xaqiiqdii waqti adag ayuu Cumar Finish ku soo beegmay, feejignaan iyo Taxadar badan ayaa looga baahan yahay!

Hawl ballaaran ayaa sugaysa, horumarinta shaqooyinkii socday ayaa laga sugayaa, isbadal iyo waxqabad deg-deg ah ayaa looga fadhiyaa, Shaqada ugu weyn ee laga doonayo inuu ku guuleysto waa dhanka Amniga.

Dabcan… Duqa cusub waa nin la soo tijaabiyay, waa waayo arag bisil oo Xog-ogaal u ah xaaladda uu G/Banaadir ku sugan yahay, Rajo badan ayaa laga qabaa inuu ka soo dhallaali doono hawsha culus ee loo xilsaaray!

#Allow_Amuuraha_Sahal!

Shiiqaaloow Xassan

Let’s block ads! (Why?)