Duqeyn xalay ka dhacday Hiiraan.

Diyaarado dagaal  ayaa xalay waxaa ay  duqeymo ka fuliyeen  Saldhigyo ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Duqeynta ayaa waxaa ay ka dhacday inta u dhaxeeya Magaalooyinka Baladweyne iyo Maxaas oo dhamaantooda ka wada tirsan Gobalka  Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in xalay ay duqeymo ka dhaceen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan, islamarkaana ay cabsi soo wajahday shacabka.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntii xalay ka dhacday Gobalka Hiiraan.

Duqeyntan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa, kadib markii saacadihii ugu dambeeyay ay diyaaradaha mareykanka duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose.

Let’s block ads! (Why?)