Dowladda Soomaaliya oo qorshaynaysa sidii dalka dib loogu soo celinaayo Maxxaabiis Soomaali ah oo ku xiran Jiddah.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Arabia Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta booqday xabsiga Shimees, kaas oo ay ku xidhan yihiin Muwaadiniin Soomaali ah.

Safiirka ayaa soo indho-indheeyay xaalada maxaabiistaasi Soomaalida ah ee ku xidhan xabsigaasi, xaaladahooda guud iyo caafimaad.

Ujeedka booqashada safiirka ayaa ahayd sidii uu masuuliyiinta xabsiga uu kala hadli lahaa xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Wada hadal kadib waxa ay isla afgarteen Amb.Ilyaas iyo masuuliyiinta xabsiga in muddo kooban gudahooda dalkooda loogu soo celiya muwaadiniinta Soomaalida ah iyo in mudada ay ku jiraan xabsiga ah helaan xuquuqdooda

Let’s block ads! (Why?)