Dowladda Soomaaliya oo QM ku wargelisay in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Nicholas Haysom

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Qoraal ay soo saartay ku wargalisay Xoghayaha Guud ee QM in Wakiilka Gaarka Ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom in aan Soomaaliya laga rabin isla markaana uusan ka shaqayn karin.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1da Janaayo 2019ka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah oo xiganaysa heshiisyada caalamiga ah ee ku salaysan xiriirka cilaaqaadka diblomaasiyadda caalamiga ah, waxay Dowladda Soomaaliya ku wargelisay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey in aan wadanka laga rabin, kana shaqayn karin Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mudane Nicholas Haysom.

Dhanka kale Warkaan ayaa wuxuu salka ku hayaa kadib markii uu si cad u jebiyay hab maamuuskii iyo dhaqankii ku haboonaa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, si bareer ahna u farageliyay madax banaanida dalka.

Halkan ka Akhriso War-saxafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS:-

Let’s block ads! (Why?)