Dowladda oo dhaawaca dad shacab ah oo miino lala eegtay ka soo qaaday degmada Awdheegle

Dowladda Soomaaliya ayaa degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose ka soo qaaday dad shacab ah oo ku dhaawacmay miino lala eegtay dhawaan iyaga oo ka shaqeynayay olole nadaafadeed.

Dadka shacabka ah ee miinada lala eegtay ayaa xiligaa ka shaqeynayay jarista geed ku yaala saldhig ay degenaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana qaraaxasi ku dhintay Labo ruux halka ilaa Shan ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dadkan dhaawaca ah oo diyaarad looga soo qaaday degmada Awdheegle ayaa la keenay magaalada Muqdisho si loogu dabiibo.

Ma’aha markii ugu horeysay sidan oo kale qarax miino lagu bartilmaameedsado dad shacab ah oo ku gadajira olole nadaafadeed, ilaa iyo haddana ma jirto cid sheegatay kii ugu danbeeyay ee ka dhacay degmada Awdheegle.

Let’s block ads! (Why?)