Dowladda Kuwait oo qabatay Munaasabad lagu xusaayay Maalinta Africa+Sawirro

Munaasabad lagu weyneynaayay Maalinta Afrika ayaa lagu qabtay Magaalada Kuweit City ee Caasimadda Dalka Kuweit.

Xafladda oo si weyn loo soo aqaban qaabiyay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madax ka socota Dowladda Kuwiat, Danjirayaasha Caalamka u fadhiya Dalka Kuwiat, Ururadda Adduunka iyo dhamaan Jaaliyadaha Dalalka Africa ee ku nool Kuwait.

Ugu horeyn waxaa Munaasabadda loogu dabaal dagaayay Maalinta Africa khudbad ka jrrdiyey Madaxda Danjirayaasha ee ku sugan Kuwait kuwaas oo dhamaantood sheegay inay Afrika ku socoto Wadadda Horumarka iyo Xalinta dhibaatada Africa u khaaska ah iyagoo tusaale u soo qaatey Doorka Ciidamada Africa ee Soomaaliya ee Gacanta siinaya Ciidamada Soomaaliya.

Waxaa halkaas lagu soo bandhig bandhig dhaqameed ka tarjumayay Dowladaha Africa iyadoo Soomaaliyana ay doorkeeda ka cayaartay bandhig dhaqameedkaasi.

Dhanka kale sii hayaha Safaaradda Soomaaliya Dalka Kuwait, Abiib Muusa Faarax oo hor kacayay Madaxdii iyo marti sharaftii kasoo qeyb qashey ayaa kormeer guud ku sameeyay bandhig dhaqameedkii ay soo bandhigeen dhammaan Dowladaha.

Let’s block ads! (Why?)