Dowladda Kenya oo Bishaan gudaheeda laga sugaayo inay Jawaab cad ka bixiso Muranka Badda ee Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa laga doonayaa inay Jawaab ka bixiso Dacwada Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladu u qabatay arrinta muranka Badda ee Soomaaliya ay geysay Maxkamadda.


Maxkamadda Caalimiga ayaa xukmisay inay awood u leedahay inay Qaado Dacwadda muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayey maxkmada Kenya u qabatay in 18 ka Bishaan December ay ku soo gudbiso Jawaabteeda.
Dowladda Kenya ayaa Jawaabteeda waxay ka koobnaan Doontaa 3-qaybood oo kala ah, Xog rasmi ah oo dacwadda la xiriirta, Warixin ku sababsan Sharciga iyo ogolaanshaha Awoodda maxkamdda ee Dacwadaan.
Xeer ilaaliyaha Guud Kenya Githu Muigai ayaa u sheegay Wargeeyska Nation in “Jawaabta Kenya waxaan la diiwan galin doonaa ka hor 18 ka December, jawaabtuna waa mid aan la koobi karin” .
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa Dacwadeeda waxay Xaraysay 13-kii bishii July ee 2015 kii, Dacwaddasi oo dowladda Soomaaliya ay Maxkamadda kaga Codsatay in go’aan Maxkamadeed lagu saleeyo Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Let’s block ads! (Why?)