Dowladda Ingiriiska oo ku Baaqday in Wada-hadal lagu Dhameeyo Muranka Badda Somaliya iyo Kenya

Dowladda dalka Britain ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in Wada-hadal lagu dhameeyo kiiska muranbadeedka u dhaxeeya wadamada Somaliya iyo Kenya.

Hadalka kasoo baxay dowlada dalka Britain ayey ku sheegeen in muhiim ay tahay in xal loo helo kiiska muran badeedka udhaxeeya wadamada Kenya iyo Somalia.

Kulan ku dhexmaray magalada neyrobi ee dalka Kenya madaxweyne kuxigeenka dolwada dalka Kenya William ruto iyo sidoo kale jane marriot oo ah xubin sare oo Britain u joogta dalka Kenya,waxa ay sheegtay misis jane marriot in loo baahanyahay in horay loo qaado tallaabooyin lagu xallinaayo khilaafka muran badeedka u dhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya waxa ay intaasi ku dartay kulankii newyork ku dhexmaray madaxweynayaasha Kenya iyo Somalia inuu ahaa mid lagu gaari karay hanaan Isfahan islamarkaana xal loo heli karay muranka badda ee udhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya.

Dowladda Kenya ayaa Somalia ku cadaadineysa in wadahal lagu dhameeyo kiiska badda ee udhaxeeya wadamada Somalia iyo Kenya waxaana arintaasi gaashaanka udaruuray dowlada federaalka Somalia iyadoona madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Somalia Mohamed abdullahi farmaajo uu shirka golaha amaanka ee qaramada midoobay ka sheegay in dowlada Somalia ay ka warsugi doonto go,aanka maxkamada cadaaladda aduunka ee ICJ.

Let’s block ads! (Why?)