Diyaarad siday lacag ka timid Imaaraadka oo lagu qabtay Garoonka Aadan-Cadde

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho Maanta lagu qabtay Diyaarad siday l;acag oo ilaa iyo hadda aan la shaacin cadadeeda.

Diyaaradaan ayaa waxaa la sheegay in ay ka timid Wadanka isutaga Imaaraadka Carabta,isla markaana lacagta saarneyd Diyaaradaas ay leedahay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Saraakiisha Diyaaradaha Garoonka Aadan-Cadde ka howlgasha oo aan qaarkood la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in Lacagtaas loo waday deegaanada Maamulka Puntland,isla markaana la doonayo in lasiiyo Ciidamo ka tirsan Puntland oo ay dowladda Imaaraadka mushaar siiso.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Garoonka ay ku sugneyd diyaarad kale oo lacagtaas u qaadi laheyd Magaalada Garoowe,laakin uu ka dhashay buuq farabadan taas oo ugu dambeyn raggii ay u kireesneyd diyaarada ay la soo baxeen  warqad sheegeysa in lacagta ay tahay mushaarkii ciidamada Puntland.

Weli macadam in Diyaarada lacagta siday iyo in lasiidaayey iyo in kale,waxa ayna ku soo aadeysaa xili khilaafka u dhaxeeya guddoonka Golaha Shacabka uu sii xoogeysanayo,waxana jiray shaki ka dhashay lacagtaas wallow markii dambe la ogaaday in loo waday Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Let’s block ads! (Why?)