Dilalka Soomaalida loogu geysto Koonfur Afrika oo kordhay

Waxaa sii xoogeysanaya dhibaatooyinka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto gudaha dalka Koonfur Afrika.

Xasan Kaafi Maxamed Shire oo ah Wariye madax banaan oo ku sugan Koonfur Afrika ayaa sheegay in tan iyo bilaawgii Sanadkan cusub dalkaasi lagu dilay illaa 5 Qof oo Soomaali ah, kuwaas ooo Ganacsiyo ku lahaa Dalkaasi.

Wariye Xasan Kaafi ayaa tilmaamay in ay sii xoogeysanayaan dhibaatooyinka dilalka ah ee dalkaasi loogu getysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxaana uu xusay in Sanadkii hore ee 2017-kii dalka Koonfur Afrika lagu dilay in ka badan 100 Qof oo Soomaali ah.

Let’s block ads! (Why?)