(DHAGEYSO)Bariga Mudug Dad Ciidamada Puntland Ka Burburiyen Guryo

Qaar Ka mida dadka Ku Nool Deegaanada Qarqoora Iyo Cali Waal oo Dhaca Bariga Goballka Mudug Ayaa Xiligaan Cabasho ka Muujinaya Baraago Iyo Guryo ay sheegeen in ay Ka Bur Buriyeen Ciidamada Maamulka Puntland.

Ciidamada Maamulka PPuntland ayaa la sheegay in ay Halkaa ku Baabi,iyen Baraago Iyo Guryo Uga Dhisnaa Tuulada Cali waal oo Hoostagta Deegaanka Qarqoora Ee Bariga Mudug Ee Galmudug Kadib Markii ay Inta Badan dadkii Deegaanadaasi ka Roob raacen,waxaana Sidoo Kale La soo Warinayaa in ay Ciidamadu Goobta la Tageen Gaadiidka Dagaalka..

Hadaba Qaar ka mida waxgaradka Iyo Dhalinyarada Deegaanadaasi Oo Kulan yeeshay ayaa Dhacdadaasi ka soo Saaray Qoraal ay Masuuliyinta Labada Maamul ee Galmudug Iyo Puntland Uga Codsanayaan In wax laga qabto Falalkaa..

Waxaana Warka qoraalka ah oo Dheer Warbaahinta u aqriyay Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Deegaanka qarqoora C.risaaq Juur Colow.

HOOS KA DHAGEYSO WAR MURTIYEEDKA.

 


SHABAKADDA WARARKA

WWW.HOBYONET.COM

 NAGALA SOO XIRIIR.

[email protected]        

[email protected]

TELL:25290-7647333/252617150440 

Let’s block ads! (Why?)