DFS oo ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha Uganda

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Ugnada, Yoweri Museveni oo sheegay in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad nidaamsan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Museveni uu iskii u hadlay oo la ogyahay in Soomaaliya ay dowlad leedahay.

Madaxweyne Museveni oo maalin kahor hadlay ayaa sheegay arrin ay Soomaali badan dhibsatay aadna ay kaga falceliyeen.

“Waxaa jira dalal badan oo aan lahayn dowlad. Way jiraan, balse ma haystaan hay’ad nidaamsan oo maamusha, Soomaaliya waa mid ka mid ah. Waxaa jira dalal kale balse ma sheegayo sababo diblomaasi awgeed”. Ayuu yiri Madaxweynaha Uganda.

Let’s block ads! (Why?)