DF oo beenisay in ay ka qeyb galeyso shir ka dhacaya Nairobi (Dhageyso)

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in waxba kama jiraan uu yahay in Dowladda Federaalka ay ka qeyb galeyso shirka looga hadlayo arrimaha shidaal baarista kaasi oo 19-ka ilaa 21-ka March 2018-ka dhacaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maalmihii dambe warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa lagu sheegay in wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre ay ka qeyb galayaan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi.

C/rashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay ka Wasaarad ahaan in aysan shaqo ku laheyn shirka, go’aankiisa ugu dambeeyana ay leedahaya Dowladda.

Wuxuu kaloo sheegay in hada aysan qorshe socda oo ku aadan in Dowladda Federaalka ay ka qeyb galeyso shirka baarista shidaalka oo qaban qaabadiisa ay leedahay shirkadda SOM & OIL Gas.

Let’s block ads! (Why?)