DEGDEG: Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo Isbitaal loo la cararay (Dhageyso)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiin iyo sidoo kale dhalinyaro ka mid ah Ururka Dhalinyaradda gobolka Mudug la dhigay isbitaal.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyaradda gobolka Mudug ayaa Risaala u sheegay in Mas’uuliyiinta iyo dhalinyaradda in ay ka yimaadeen goob loogu sameeyay Casho oo ku taalla duleedka Magaalada Gaalkacyo.

Ugu Yaraan 15 Dhalinyaro ah ayaa Isbitaalka la dhigay iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug.

Wararku waxa ay sheegayaan in Mas’uuliyiintaan ay cuneen cunto sumeysay.

Maamulka gobolka Mudug oo aan la xariirnay ayaa inoo sheegay in ay waddaan Baaritaano, islamarkaana ay ka warbixin doonaan dhacdadaan.

Let’s block ads! (Why?)